Baaq laga soo saarey Kulankii Gollaha Shacabka ee BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid ah colaad beeleed kasoo cusboonaatay gobolka Galgaduud.

Colaada oo u dhaxeysa labo maleyshiyo qabaa’ileed ayaa galaafatay nolasha in ka badan 10 ruux, taasoo salka ku haysa dilal la xiriira aanooyin qabiil, oo saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka ay ku jirto Balan-bale.

Fadhiga Aqalka Hoose oo uu maanta shir gudoonku ahaa, Mahad Cabdalla Cawad, ku xigeenka Afhayeenka Sharcidejinta, kaasi oo hadal koobay jeediyay ayaa ku amray dowlada iyo maamulka Galmudug inay qaboojiyaan xiisada.

Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaciyay in looga baahan yahay dowlada iyo dowlad goboleedka inay gurmad caafimaad oo deg deg ah ay gaarsiiyaan dadka ku waxyeeloobay colaadaasi.

“Dagaal wiil baa ku dhinto ee kuma dhasho,” ayuu yiri Gudoomiye Cawad, kaasi oo muujiyay walaaca uu Gollaha Shacabka ka qabo inay sii socoto colaada ka taagan tuulooyinka ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Hadalka Aqalka Hoose ayaa kusoo aadaya xili ay jirto xiisad siyaasadeed oo udhaxeysa dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasi oo xiriirka u gooyay Villa Somalia oo ay eedaymo culus ujeediyeen.

Kulankii ay maanta yeesheen Xilldhibaanada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa fadhigii 24aad oo ka tirsan Kal-fadhigii afaraad ayaa waxaa soo xaadirtay 148 mudane, xili ay tiro kalena maqneed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM