Baaqyadda in la bedelo xubnaha guddiyada doorashada oo xoogeystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa soo badanaya dhaliilaha dowladda federaalka Soomaaliya loogu jeedinayo go'aankeeda ay kusoo xulatay xubnaha guddiga doorashada. Mas'uuliyiinta dowladda oo arrimahaas horay uga hadlayna waxay sheegeen in soo magacaabista guddiga loo maray waddo sax ah.

Guddigan ayaa waxa si wadajir ah u soo xulay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Hase yeeshee, hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya qaarkood ayaa ka mid ah dadka ku gacan seyray guddiga doorashada ee la filayo inuu dhawaan shaqadiisa si rasmi ah u billaabo. Guddigan ayey madaxda xisbiyadu sheegeen "inuu u heellan yahay ka shaqeynta sidii uu ku soo bixi lahaa madaxweynaha haatan xilka haye".

Daahir Maxamuud Geelle, gudoomiyaha xisbiga Dan Qaran, oo ugu cad cad dadka dhaliilahaas jeedinaya ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in aysan kalsooni ku qabin dadka loo igmaday howsha doorashada soo socota.

"Dowladda waxaa laga sugayay inay guddi magacowdo, guddiga shuruuddiisana waxaa ka mid ahayd inuu dadka tartamaya dhexdhexaad u noqon karo. Dadku qaarna waa Soomaali shaqooyin iyo howlo kale heysta qaarna waa dadkii la safnaa garabyo ka mid ah dadka siyaasadda Soomaaliya ku loollamayay, marka dowladdii meesha ay kasoo xuli lahayd dad qoortii labada garab y dhaxeysay noqon kara oo dhexdhexaad ah waxay soo xushay dadkii ku asteysnaa inay iyada taageerayaal u yihiin," ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in marnaba aysan ka soo horjeedin in guddi lasoo magacaabo: "Waxa kaliya aan diidan nahay ma aha in guddi lasoo xulo balse waxaan diidan nahay in dowladda ay taageerayaasheedii nooga dhigto garsooreaal," ayuu yidhi Geelle.

Wuxuu sheegay inay hadda dalbanayaan in la baddalo "shakhsiyaadka dhinaca u janjeera".

"Waxaan dooneynaa in dowladdu guddi soo magacowdo, guddigan way ogtahay dadka ay u soo magacowday iyo dana ay ka rabtay, danahaasna waan ku garannay. Halasoo magacaabo dad taariikhdoodu ay hufan tahay oo aan dhinacna ku asteysneyn, madaxweynaha murashaxa ah iyo murashaxiinta kalena u garsoori kara," ayuu yidhi Daahir.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymaha loo jeedinayo guddiyada doorashooyinka dalka ee dhawaan dowladdu magacawday.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku dooday in aysan jirin xubno ka tirsan guddiga doorashada oo dowladda hadda jirta dhankeeda u xaglineysa.

"Horta cabashadu waa inay aasaas leedahay ama caddeyn leedahay. Miyey jirtaa maxkamad caddeysay in xubno guddiga ka tirsan ay leeyihiin waxyaabaha ay kaga cabanayaan, mise waa canbaareyn iyo xajiimeyn? Markii la soo xulayay shuruudaha oo dhan waa loo eegay, marka waxay aniga ila tahay in aan wakhti lagu luminin eedeyn, illeen garsoorkooda iyo garnaqooda wali ma aynaan arkine." Ayuu yidhi Mahdi.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka Dadban.

Heshiiskan ayaa waxaa horey u meelmariyay labada aqal ee golaha shacabka iyo aqalka sare.

BBC

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM