Baaqyo gurmad ah oo loo fidinayo Shacabka Gaalkacyo ka dib roobab khasaare geystay

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Roobab mahiigaan ah oo saacado badan ka da’ay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa geystay khasaare naf iyo maalba leh, iyada oo ay qoysas badan ka barakaceen.

Fatahaadka ka dhashay roobabka ayaa saameyn ku yeeshay labada dhinac ee magaalada (Puntland iyo Galmudug) iyadoo guryaha qaar ay dumeen.

Maamulka degmada Gaalkacayo ayaa codsaday in gacan laga geysto sidii loo dhimi lahaa dhibaatada soo gaartay dadka magaalada, iyaga oo ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Puntland inay soo farageliyaan.

Ra'isulwasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa dhankiisa maanta ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.

Wuxuuna yiri: “Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogga leh ee ka da’ay gobollada dalka, xog aan hayno dhimashu ku dhawaad waa 10 qof”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM