Baaris lagu bilaabay weerarkii ka dhex-dhacay xabsiga Muqdisho

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi ka kooban sideed xubnood u saartay in ay baaritaanno ku sameeyaan sidda uu u dhacay weerarkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha xabsiga dhexe ee Soomaaliya Daahir Cabdulle Raage ayaa shaqada laga joojiyey kadib isku daygii baxsashada maxaabiista Shabaab ee dhacay 13-kii bishan July.

Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi ka kooban sideed xubnood u saartay in ay baaritaanno ku sameeyaan sidda uu u dhacay weerarkaas.

Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed ayaa ah ku simaha taliyaha xabsiga, waxaana uu hoggaamin doonaa baaritaanka, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda.

Waajibka guddiga waxaa ka mid ah ogaanshaha habacsanaanta amniga, qiimeynta jawaabta laga bixinayo isku daygii baxsashadda xabsiga, iyo soo jeedinta tallaabooyinka looga hortagayo shilalka mustaqbalka.

Si kastaba, shaqo joojinta ayaa imaanaysa iyadoo dowladda federaalka ay sheegtay inay doonayso inay xoojiso ammaanka xabsiga ayna xaqiijiso isla xisaabtanka lagu maareynayo maxaabiista halista ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM