Baaris lagu bilaabay weerarkii ka dhex-dhacay xabsiga Muqdisho

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi ka kooban sideed xubnood u saartay in ay baaritaanno ku sameeyaan sidda uu u dhacay weerarkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha xabsiga dhexe ee Soomaaliya Daahir Cabdulle Raage ayaa shaqada laga joojiyey kadib isku daygii baxsashada maxaabiista Shabaab ee dhacay 13-kii bishan July.

Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi ka kooban sideed xubnood u saartay in ay baaritaanno ku sameeyaan sidda uu u dhacay weerarkaas.

Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed ayaa ah ku simaha taliyaha xabsiga, waxaana uu hoggaamin doonaa baaritaanka, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda.

Waajibka guddiga waxaa ka mid ah ogaanshaha habacsanaanta amniga, qiimeynta jawaabta laga bixinayo isku daygii baxsashadda xabsiga, iyo soo jeedinta tallaabooyinka looga hortagayo shilalka mustaqbalka.

Si kastaba, shaqo joojinta ayaa imaanaysa iyadoo dowladda federaalka ay sheegtay inay doonayso inay xoojiso ammaanka xabsiga ayna xaqiijiso isla xisaabtanka lagu maareynayo maxaabiista halista ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM