Baarlamaanka FS oo ansixiyay cutubyada 1-4 ee Dastuurka

Image
Qodobada ugu muhiimsan ee la meelmariyay ayaa ka mid ah haykalka xukunka loo guuray.

Muqdisho, Soomaaliya - Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey cutubyada 1-4 ee Dastuurka oo soo maray marxallado kala duwan.

Kulanka labadda gole ayaa waxa soo xaadiray 254 mudane oo isugi jiray 212 Xildhibaan oo golaha Shacabka ah iyo 42 Senator oo aqalka sare ah, xilli mudanayaasha ay saaka subaxnimadii hore ba iska soo xaadiriyey xarunta Golaha ee Villa Hargeisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta Ansixinta Dastuurka isagoo ku dhawaaqay in ansixinta Dastuurka ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen 254 Mudane.

Wax ka beddelka iyo dhamaystirka dastuurka ayaa qoddobada ugu muhiimsan waxa ka mid ah in haykalka xukunka loo guuray Madaxweyne ay Shacabka Soomaaliyeed toos u soo dooranayaan iyo Ra”iisul wasaare uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha Gudidda doorashooyinka iyo Soohdimaha ee Heer federaal ayaa tiradooda laga dhigay 18 xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM