Baarlamaanka Galmudug oo loo diiday inay ka shiraan mooshin ka dhan ah Guuleed

Image

CADAADO, Somalia - Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta loo diiday in ku shiraan xaruntooda Cadaado, kadib markii ciidamada maamulkaasi ay is-hortaag ku sameeyeen.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, ayaa sheegay  in Xildhibaanada ay maanta ka doodi lahaayeen Mooshin ka dhan ah madaxweyne mamaulkaasi C/kariim Xuseen Guuleed.

"Ciidmada ilaalada Madaxtooyada oo ka amar qaadanaya Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa u diiday Xildhibaanada inay shiraan," ayuu yiri Xareed. 

Wuxuu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey uu mas'uul ka yahay is-hortaaga Kulamada Baarlamaanka Galmudug, ee lagula xisaabtamayo Madaxweyne C/kariim Guled. 

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku jiraan Fasax la siiyay Labo bilood kahor, islamarkaana aysan qaban karin Kulamadooda caadiga ah. 

Laakiin, Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, ayaa ku doodaya inuu dhamaaday Fasaxooda. 

Wararka ayaa sheegaya in C/kariim Xuseen Guuleed, uu ku mashquulsan yahay Ololaha Doorashada Somalia,  waxaana uu mudo dheer ka maqan yahay xafiiska maamulkiisa Galmudug ee Cadaado.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM