Baarlamaanka KG oo codka kalsoonida u qaadaya wasiirada cusub

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Xildhibaanada Gollaha Wakiilada ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in Arbcada maanta ah fadhi aan caadi ahayn ku yeeshaan xaruntooda magaaladda Baydhabo, caasimada KMG dowlad goboleedkaasi.

Fadhigaan oo la rajeynayo in ay soo xaadiraan inta badan mudanayaasha Aqalka ayaa waxaa la filayaa in uu shir gudoomiyo Afhayeenka Gollahaasi, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa.

Ajendaha kulanka ayaa ah ansixinta xukuumada cusub ee uu soo dhisay Madaxwayne Cabdicasiis Lafta Gareen, kaasi oo wasiirada horgeyn doona sharcidejiyaaha si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale qorshuhu yahay in uu Xildhibaanada u mariyo Barnaamijjka siyaasadeed ee xukuumadiisa kaasi oo ay dooneyso in ay ku shaqeyso mudada ay xafiiska joogaan.

La dagaalanka Al-Shabaab, siyaasad loo dhan yahay, horumarinta degaanka iyo dhisitaanka ciidamada ayaa la odrasayaa in ay qayb ka noqon doonaan Barnaamjijka siyaasadeed ee xukuumada Lafta Gareen.

13-kii bishaan Febraayo ayey ahayd markii uu Lafta Gareen si rasmi ah u dhameystiray Gollihiisa Wasiirada oo ka kooban wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno, iyada oo aaney ku jirin wasiiru dowlayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM