Baarlamaanka oo sharci darro ku tilmaamay Canshuurta iibka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiyada joogtada ah ee Maaliyadda iyo Ganacsiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ka yeeshay cabashada Ganacstada gobolka Banaadir ay ka keeneen Canshuurta ay kusoo rogtay Xukuumadda.

Xildhibaanada labada Gudi ayaa Kulan la yeeshay xubno ka socday rugta Ganacsiga iyo Ganacsata Muqdisho, oo ay uga dhageysteen cabashadooda, iyadoo ugu dambeyntii soo saarey qoraal ay sharci darro uga dhigeen canshuurta cusub ee iibka [VAT].

Canshuurta iibka oo ah mid 5% laga qaadayo alaabooyinka jumlada ayaa dhalisay muran xooggan, kaasi oo sababay inuu xirmo mudo labo maalmood ah Suuqa ugu weyn Soomaalia ee Bakaaraha.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa horaantii bishan amartay in canshuurta gadista ee boqolkiiba shan [5%] lagu qaado Dekedda, lagana qaado soo dajiyaha alaabaha Ganacsiga, marka laga reebo Sonkorta, Burka, Bariiska iyo Baasatada.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, oo shalay la hadlay VOA ayaa sheegay in lacagta laga doonayo ganacsatada ay tahay waajib dawli ah oo ku qoran sharciyada waddanka. Halkan ka akhri.

Lama oga go'aanka Gudiyada Baarlamaanka inuu wax ka bedeli doono xaaladda Ismari-waagga ah ee xilligan ka dhex taagan Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada gobolka Banaadir.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM