Baarlamaanka Puntland oo su’aallo waydiiyay Wasiirka Kalluumeysiga

Image
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Abdirisak Ahmed Said ayaa guddoominayay kulankan ka qabsoomay xarunta golaha ee Garowe.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga & Kheyraadka badda Puntland oo ay wehliyaan xubnaha kale ee wasaaradda siwaafaqsan qodobka 68-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kadib markii Guddigii korjoogteynta kulahaa Wasaaradda ay codsadeen in loo yeero maadaama aysan ku qancin xogtii ay u soo gudbiyeen.

Iyadoo Wasiirku uu raaligelin ka bixiyey arintaas dhacday oo uu ku tilmaamay cilad farsamo hada kadibna sida Dastuurku qabo Wasaaraddu ula shaqeyn doonto Guddiga arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka iyo xubnaha kale kuwaas oo la xiriira sababaha ay Guddiga arrimaha deegaanka ay uga gaabiyeen wadashaqeyntooda, cabashooyinka Kaluumaysatada ee waxyeelada u geystaan Doonyaha iyo maraakiinbta shishiyee, hanaanka shatiyada loo bixiyo iyo guud ahaan shaqooyinka Dastuuriga ee Wasaaraddu gacanta ku hayso.

Waxaana dhammaan su'aalihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Wasiirka Kaluumaysiga iyo xubnaha kale ee Wasaradda, iyadoo ugu dambeyn kulanka uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM