Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2024-ka

Image
Xildhibaanno labada aqal ka tirsan ayaa waxay soo jeediyeen mooshin ah in ajandaha lagu daro u codeynta Miisaaniyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta guddoomiyay kulanka wadajirka ah ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS kalfadhiga afaraad kulankiisa 4-aad iyo 5-aad.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Guddoomiye ku-xigeennada labada aqal, ayuu ajandihiisu ahaa Warbixinta Akhrinta 2-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaanno labada aqal ka tirsan ayaa waxay soo jeediyeen mooshin ah in ajandaha lagu daro u codeynta Miisaaniyadda, sidaasna ay ku ogolaadeen Xildhibaannadii kulanka joogay kadib cod la geliyay.

Intaas kadib waxaa la guda galay Akhrinta 2-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024 iyo ansixinta Miisaaniyadda oo ay ogolaadeen 186 Xildhibaan, waxaa diiday saddex Xildhibaan, wax ka aamusayna majirin.

Ansixinta kadib, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaannadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2024-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyadda sanadkan ay ansax tahay isagoo guddiyada Maaliyadda labada Aqal Sanatarrada iyo Xildhibaannada uga mahad celiyay ansixinta Miisaaniyadda iyo dadaalkii ay geliyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM