BF Soomaaliya oo cod u qaadey Miisaaniyada dowladda ee 2020

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal - Golaha Shacabka iyo Aqalka Hoose - ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 192 Xildhibaan ayaa waxaa si wadajir ah u gudoomiyey gudoonka labadda gole - Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajendaha wuxuu ahaa akhrinta 3aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka, taasoo gaareysa 476.5 milyan oo Doollar-ka Mareykanka. Wasaaradda Maaliyadda ayaa horgeysay.

Intii lagu guda jiray akhrinta koowaad iyo labaad, mudaneyaasha ayaa waxaa looga jawaabay su'aallo ay ka qabeen Miisaaniyadda.

Akhrinta saddexaad iyo dooda kadib, sharcidejiyeyaasha ayaa cod u qaadey Miisaaniyada. Natiijadda coddeynta waxaa ku dhawaaqay shir-gudoonka.

Sidda laga soo xigtay gudoonka, waxaa Miisaaniyadda ogolaatay 188 Xildhibaan, hal mudane wuu diidey, waxaana ka aamusay laba kale oo fadhiga kasoo muuqday.

Bishii October ee sanadkan 2019, golaha wasiiradda ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyey Miisaaniyadda oo ku saleysan dakhliga gudaha iyo kaalmadda Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM