BF Soomaaliya oo cod u qaadey Miisaaniyada dowladda ee 2020

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal - Golaha Shacabka iyo Aqalka Hoose - ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 192 Xildhibaan ayaa waxaa si wadajir ah u gudoomiyey gudoonka labadda gole - Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajendaha wuxuu ahaa akhrinta 3aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka, taasoo gaareysa 476.5 milyan oo Doollar-ka Mareykanka. Wasaaradda Maaliyadda ayaa horgeysay.

Intii lagu guda jiray akhrinta koowaad iyo labaad, mudaneyaasha ayaa waxaa looga jawaabay su'aallo ay ka qabeen Miisaaniyadda.

Akhrinta saddexaad iyo dooda kadib, sharcidejiyeyaasha ayaa cod u qaadey Miisaaniyada. Natiijadda coddeynta waxaa ku dhawaaqay shir-gudoonka.

Sidda laga soo xigtay gudoonka, waxaa Miisaaniyadda ogolaatay 188 Xildhibaan, hal mudane wuu diidey, waxaana ka aamusay laba kale oo fadhiga kasoo muuqday.

Bishii October ee sanadkan 2019, golaha wasiiradda ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyey Miisaaniyadda oo ku saleysan dakhliga gudaha iyo kaalmadda Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM