Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya Miisaaniyad cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa maanta ka doodaya markii labaad miisaaniyadda dowladda 2018-ka, taasi oo Wasiiradda Maaliyadda usoo gudbiyay bishii lasoo dhaafay.

Mudaniyaasha Baarlamaanka ayaa akhrinta labaad ku samaynaya Miisaaniyadda, kadibna waxay guda gali doonaan inay cod lagu ansixinayo ama lagu diidayo loo qaado, sida uu Warsidaha Garowe Online uu sheegay habdhowraha Gollaha Shacabka.

Miisaaniyadda cusub ee hortaalla Gollaha Shacabka waxay gaaraysaa 274 Milyan oo Doolar, waxaana sanadkan lagu kordhiyay 14 Milyan oo dheeraad ah, halka tii hore ahayd 260 Milyan.

"Maadaama Aqal sare lagu soo daray Baarlamaanka, waxay noqotay in miisaaniyadda la kordhiyo, si loo bixiyo mushaaraadka Senetarada," ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo GO la hadlay.

Lacagtan ayaa inta badan ka imaanaysa Illaha Dhaqaale ee dowladda ee Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo inta kale ay yihiin deeqo dibadda ka yimaada.

Amniga wadooyinka gala xarunta Baarlamaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana hakad la geliyay gaadiidka dadweynaha, cabsi laga qabo weerar Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM