Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodey Sharciga Kiimikada

Image
Sharcigan ayaa waxaa gudbisay Wasaaradda Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka xakameynta kiimikooyinka beeraha Soomaaliyeed,waxaana warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedkan golaha u akhriyay guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Intaasi ka dib xildhibaanadda golaha shacabka ayaa ka dooday qodobada hindise sharciyeedkan iyo faa'idooyinka uu dalka u leeyahay,sidoo kalena waxaa su'aalaha xildhibaanadda ee hindise sharciyeedkan ka jawaabayay wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dooda hindise sharciyeedka xakameynta kiimikooyinka beeraha Soomaaliyeed gudigana dib loogu celiyay si uu dooda iyo fikradaha xildhibaanada ugu soo daro akhrintiisa sedaxaadna uu golaha ugu soo celiyo.

Dhinaca kale xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo baratakooladiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM