Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyey ciidamo loosoo dirayo Soomaaliya

Image
Tallaabadan ayaa waxay timid ka dib heshiis iskaashi oo dhexmaray labadood.

ISTANBUL, Qadar - Baarlamaanka Turkiga ayaa Sabtidii shalay waxa uu meelmariyay mooshin ku saabsan in ciidamo ka tirsan dowladda Turkiga loo soo diro Soomaaliya, oo ay ku jiraan xuduudaha badda ee dalka.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Turkiga ayaa la geyn doonaa Soomaaliya muddo labo sano ah, si ay u taageeraan howlaha amniga ee Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada iyo khataraha kale, sida ku cad mooshinka.

Tallaabadan ayaa timid ka dib heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen bishii Febraayo, ujeeddaduna tahay in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya, ayaa lagu yiri mooshinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM