Baarlamanka Koonfur Afrika oo u codeeyay in la xiro safaaradda Israel

Image

PRETORIA - Xildhibaannada waddanka Koonfur Afrika ayaa Talaadadii u codeeyay in la xiro safaaradda Israa'iil ee Pretoria, lana joojiyo dhammaan xiriirkii diblamaasiyadeed ilaa laga gaarayo xabbad-joojin dagaal Gaza.

Qaraarkan ayaa ah mid inta badan fulintiisu ay hortaal xukuumadda Madaxweyne Cyril Ramaphosa; iyada oo afhayeen u hadlay madaxtooyada uu sheegay in Ramaphosa "uu xusay inuu qaddariyo" qaraarka baarlamaanka ee ku aaddan xiriirka diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo Israa'iil, gaar ahaan maqaamka safaaradda.

"Madaxwaynaha iyo golaha wasiiradu waxay ku hawlan yihiin arrintan, taas oo weli ah fulinta mas'uuliyadda qaranka," ayuu yiri Vincent Magwenya.

Ramaphosa iyo saraakiisha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si bareer ah u dhaleeceeyay hoggaanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Marinka Gaza, iyaga oo ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada inay baaritaan ku sameyso dambiyada dagaal ee suurtagalka ah.

Safaaradda Israa’iil markiiba kama jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho arrintan.

Isniintii, safiirka Israa'iil ee Pretoria ayaa looga yeeray Tel Aviv si uu wadatashi ula yeesho dowladdisa kahor codbixintan, taasoo Talaadadii lagu ansixiyay codadka 248 xildhibaan, halka 91 xildhibaan ay diideen qaraarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM