Baarlamanka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda Cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonida siiyay Gollaha Wasiiradda ee uu soo dhisay dhawaan Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka Gollaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in dhamaan Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray Maanta oo gaaraya 188 ay ansixiyeen Xukuumadda, isagoo intaasi ku daray hadalkiisa inaysan jirin Xildhibaan diiday ama mid ka aamusay.

Rooble ayaa mudo bil ah ku qaadatey inuu kusoo magacaabo Wasiiradda, oo in ka badan 50% ay yihiin xubno laga soo xulay Xukuumaddii Xasan Cali Khayre, ee la riday 25-kii July 2020.

Mudo 3 bilood ah ayaa u harsan mudo xileedka dowladda, waxaan Wasiiradda cusub u taalla howl culus, oo ay ugu horeyso doorashadda oo sida uu dhigayo heshiiskii madaxda dalka la doonayo in 1-da December billaabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM