Baasaboorka Soomaaliya oo qiimeyn cusub galay kaalin hoose

Image
Baasaboorka Japan ayaa galay kaalinta koowaad waxaana lagu tagi karaa 193 dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qiimeyn ay samaysay Shirkadda Henley and Partners oo la socota dhaqdhaqaaqa isu socodka adduunka ayaa soo saartay baasaboorada ugu awoodda badan dunida iyo kuwa ugu hooseeya, iyadda oo laga eegayo inta dal ee dal-ku-gal la’aan lagu tagi karo baasaboorka dalkaasi.

Baasaboorka Japan ayaa galay kaalinta koowaad waxaana lagu tagi karaa 193 dal, waana ku dhowaad dhammaan dalalka qaran ahaan loo aqoonsanyahay ee Qaramada Midoobay xubinta ka ah.

Singapore (192 dal) iyo Kuuriyada Koonfureed (192) ayaa soo galaya kaalinta labaad, waxayna sedexdani dadkooda booqan karaan dalalkaasi iyaga oo aan fiiso haysan amaba marka ay garoonka ka dagaan heli kara fiisaha.

Dhanka qaaradda Yurub, wadamadda kala ah Jarmalka iyo Spain ayaa kaalmaha ugu sareeya kasoo muuqdey, waxaana lagu tagi karaa ku dhowaad 190 dal.

Shirkadan oo qiimeynta baasaboorada samaynaysan tan iyo sanadkii 2005-tii ayaa sidoo kale soo saartay dalalka ugu hooseeya liiska, kuwaas oo ay ka mid tahay Soomaaliya, inkasta oo ay dalal badan oo muddo dheer dowlad ahaa ka sarayso.

10 ka dal ee ugu sareeya liiska

1: Japan – 193 dal

2: Singapore iyo Kuuriyada Koonfureed – 192 da

3: Jarmal iyo Spain – 190 dal

4: Finland, Talyaaniga iyo Luxenburg – 189 dal

5: Austria , Denmark, Netherlands iyo Sweden – 188 dal

6: Faransiiska, Ireland, Boortaqiiska iyo Ingiriiska – 187 dal

7: Biljimka, New Zealand, Normay, Switzerland, Maraykanka, iyo Czech Republic – 186 dal

8: Australia, Canada, Giriiga iyo Malta – 185 dal

9: Hungary  iyo Poland – 184 dal

10: Lithuania iyo Slovakia – 183 dal
 
Sideedda dal ee liiska ugu hooseysa

1: Kuuriyada Waqooyi – 40 dal

2: Nepal iyo Maamulka Falastiiniyiinta – 38 dal

3: Soomaaliya – 35 dal

4: Yemen – 34 dal

5: Pakistan – 32 dal

6: Suuriya – 30 dal

7: Ciraaq – 29 dal

8: Afghanistan – 27 dal 

Shirkadda Henley & Partners oo ka shaqeysa latalinta socdaalka maalgashiga ayaa fadhigeedu yahay London. Shirkaddu waxa kale oo ay kala talisaa dawladaha siyaasadda degenaanshaha iyo jinsiyadda-maalgashiga waxayna kala shaqaysaa horumarinta iyo hirgelinta barnaamijyada degenaanshaha iyo dhalashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM