Bajaajleyda Gaalkacyo oo gadood ka sameeyay canshuur la dul-dhigay

Image
Wadayaasha Bajaajta ayaa sheegay inaysan awoodin bixinta lacagahaasi.

GAALKACYO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka magaalada Galkacyo ayaa kala cayriyey darawada gaadiidka Mooto Bajaajta oo isugu soo baxay dibad bax ay kaga soo horjeedaan go'aamo ka soo baxay maamulka degmadaasi ee Puntland.

Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka Mooto Bajaajta ayaa GO u sheegay in ciidanku si khasab ah kula kala cayriyeen xilli ay doonayeen inay dibad bax ku cabbiraan cabashadooda ku aadan lacago cashuur ah oo ay ku soo rogtey dowladda hoose ee degmada Galkacyo.

Wadayaasha Bajaajta ayaa sheegay inaysan awoodin bixinta lacagahaasi oo lagu soo rogey kadib heshiis ay dowladda hoose ee degmada Galkacyo la gashay shirkad gaar loo lee yahay sida ay hadalka u dhigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM