​BAKOOL: Ku dhawaad 30 ruux oo Gaajo iyo Haraad u geeriyooday

Image

XUDUR, Somalia- Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in 28 ruux, oo caruur iyo haween u badan  Gaajo iyo Harraad ugu geeriyoodeen deegaano ku dhaw degmada Xudur.

Xuseen Sheekh Maxa'uud, oo kamid ah Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo gobolka Bakool ayaa sheegay in dadka intooda badan ay ku dhinteen deegaanka Buur-dhuxulle.

Wuxuu sheegay in cunto la'aan iyo biyo yari baahsan ay ka jiraan deegaannada Miyigi ah, oo intooda badan ay ka gureen Warihii Biyaha ku jiray, sidoo kalena ay qalaleen dhirtii ay xoolaha ku noolaayeen.

"Xaalada aad u xun, oo cunto iyo biyo la'aan ah ayaa ka jirto gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanada ay Kooxda Al shabaab maamusho, waxaa ku dhimatay 28 qof deegaanka Buur-dhuxulle maalmihii ugu dambeeyay," Ayuu yiri Senator Xuseen.

Abaarta ka jirto dalka ayaa waxay aad u saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan inta badan gobolada Soomaaliya, kadib markii la waayay 3 sano oo xiriir ah Roobabkii la filayay.

Hay'adaha gargaarka ayaa wada qaylo dhaan xooggan, kuwaasoo ka digay Macluul markale ka dhacda Soomaaliya, waxaana goobaha qaar ay Hay'adaha samafalka ka billaabeen cunto qeybin.

QM ayaa sheegtay in 6.2 Million oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah, si looga hortago in dadkaasi ay u dhintaan Gaajo,  harraad iyo nafaqo darro ka dhalatay abaarta kulul.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisu mudnaanta kowaad siin doonta wax ka qabashada abaabrta ka jirto dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM