Balanqaadka amniga Xasan Sheekh iyo falcelino isku-dhafan

Image
Dhawaqan ayuu ku sheegay khudbadiisa maalinta sanadka cusub ee Axadii todobaadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa maalinta sanadka cusub ee Axada wuxuu ku sheegay in sanadkan ay dalka ka saari doonaan maleyshiyadda Al Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftey in bisha December, 2024 ay dalka ka bixi doonan ciidamadda howlgalka Midowga Afrika kuwaasoo muddo kordhin loo sameeyay dhowaan.

Axmed Cabdisalaan, ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore, haatanna ah agaasimaha HornCenter, oo ah xarun cilmi baaris iyo siyaasad fadhigeedu yahay Soomaaliya una waramay VOA-da, ayaa bogaadiyay ballan-qaadka madaxweynaha ee ahaa in dowladdu ay dhammaan waajibaadka amniga kala wareegto ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Cabdisalaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo dhaweeyo khudbad sanadeedka madaxweynaha, maadaama amniga uu yahay waxa ugu badan ee dadka ka walaacsan yihiin. "Wax weyn" ayuu ku tilmaamay in Madaxweynaha uu soo bandhigo xilliga uu qaadi doono mas’uuliyadda amniga.

Si kastaba ha ahaatee, dhanka kale, Cabdullaahi Gaafoow oo falanqeeya siyaasadda kuna nool magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaki ka qaba ballan qaadyada Maxamuud.

Gaafoow ayaa xusay in markii uu dhageystay khudbadii uu jeediyay Madaxweynaha uu u arkay in aysan wax farqi ah u dhaxeynin khudbadihii ay horay u jeediyeen madaxweynayaashii hore.

Dhamaantood ayuu tibaaxay in ay qorsheynayaan in mas’uuliyadda amniga lagala wareego ciidamadda Midowga Afrika. "Marka wax isbadal ah kama filayo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ayuu tibaaxay in ay tahay mid adag "maadaama Soomaaliya ay weli saaran tahay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay, taasoo caqabad ku ah awoodda ciidamada".

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sanadka markii uu ahaa 2007-dii, waxaana ay muhiim u ahaayeen ilaalinta goobaha ay dowladdu ku sugan tahay sidda Madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM