Banaanbax ka dhacay Afaafka hore ee Villa Somalia [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dibadbax ay dhigeen naafada ciidamada xoogga dalka ayaa saacadihii hore ee maanta ka dhacay irida xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaaladda Muqdisho.

Askartan ku naafowday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiye 1977 ayaa ka cabanaya in dowladda ay ka joojisay lacago ay ku taageeri jirtay, maadaama difaaca dalka ay xubnahooda ku waayeen.

Sababta ay irida Villa Somalia banaanbaxa uga dhigeen ciidamada naafada ayaa la sheegay inay doonayeen in codkooda ay gaarsiiyaan Madaxweyne Farmaajo oo horey ugu balan-qaadey in dowladda aysan mushaarka ka joojin doonin.

Askartan dagaallada ku naafoobey ayaa waxay degan yihiin dhismaha Isbitaalkii hore ee Martiini halkaasoo ay ku noolaayeen tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka 1991.

Dibadbaxood ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda ay mushaar siinin ciidamada ku sugan jiida dagaalka Al-Shabaab, kuwaasoo qarkood soo faarujiyay aagaga hore, waxayna sheegeen in mudo 4 bilood ah aaney helin mushaar iyo raashiin.

Madaxda sare ee dowladda ayaa inta badan meelaha fagaarooyinka ay ka hadlaan ka sheega inuu kordhiyay dakhliga dalka, iyadoo aan la ogeyn halka lagu bixiyo dhaqaalaha badan ee soo gala, mar hadii ciidamada amniga aysan mushaar qaadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM