Banaanbax ka dhacay Muqdisho iyo jidadka qaar oo xiran

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Banaanbax looga soo horjeedo xirnaashaha wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka ka billowday Caasimadda, kaasi oo ay ka qeyb-qaadanayaan boqolaal qof.

Dibadbaxa oo ay dhigayaan dhalinyaradda ku shaqeysata Mooto Bajaajta ayaa waxay uga ku dalbanayaan in dowladda Federaalka Soomaaliya in ay furto wadooyinka qaar ee wali xiran, oo loo diidayo inay isticmaalaan.

Bajaajleyda ayaa waxay isugu soo baxeen Isgoyska KM4 [Lambar Afar] ee bartahama Muqdisho, iyagoo muddo Hakad-geliyay isku socodkii gaadiidka dadweynaha, inkastoo ay rabshad aysan ka dhalan.

Dibadbaxiyaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo uu kamid yahay "Hala furro wadooyinka", maadaama nolal maalmeedkooda uu ku xiran yahay inay ka shaqeystaan Mootooyinka saddexda lug leh ee Bajaajka loo yaqaano.

Mid kamid ah Bajaajleyda oo u waramay Warsidaha Garowe Online ayaa wuxuu tilmaamay inay qaati ka taagan yihiin ciidamada dowladda, oo uu sheegay inay dil, Jirdil iyo tacadiyo kale ay kula kacaan markii ay damcaan inay maraan wadooyinka qaar.

Saraakiisha Ciidamada amaanka ayaa ku guuleysteen inay ku qanciyaan Bajaajleyda dhigayay Banaanbaxa, iyagoo u balan qaadey in cabashooda la tix-gelin doono, sida uu Garowe Online u sheegay qof Goobjooge ahaa.

Isku socodka Isgoyska KM4 ayaa hadda kusoo noqday si caadi ah, inkastoo wadooyinka caasimda qaar ay wali u xiran yihiin amar kasoo baxay Hay'adaha amaanka ee Muqdisho.

Madaxweynaha Maxamed Farmaajo, ayaa sabtidii lasoo dhaafay amar ku bixiyay in la furo wadooyinka magaalada, balse go'aankiisa ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu kaliya ka dhaqan galay 50% ayna wadooyinka kale xiran yihiin.

Dibad-baxaan ka dhaca caasimada Soomaaliya oo noqonaya midkii ugu horeeyay qabsooma tan iyo markii la galay bisha Soon-ka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo Dadka isku diyaarinayaa Munaasabada Ciidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM