Bandow la geliyey Dhuusamareeb iyo Galmudug oo war beenisay

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Saraakiisha amniga Galmudug ayaa shaaciyay inay bandow kusoo rogeen magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud oo maalinta berri ah ka furmayo shirka madaxda maamulada.

Bandowga waxaa loogu tala-galay in lagu sugo amniga magaaladda, maadaama ay martigelinayso shir heerkiisu sareeyo, oo kulminaya shanta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada dalka, kuwaasoo maanta la filayo inay halkaasi gaaraan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Bandowga uu saameyn ku yeelan doono dhaq-dhaqaaqyada Bulshada, Ganacsiga iyo isku socodka aadiidka, iyadoo gudaha magaaladda lagu daadiyay Ciidamo dheeraad ah, oo loogu tala-galay inay xoojiyaan amniga.

Dhinaca kale, Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in Madaxweyne Qoor-Qoor laga dalbaday inuu Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad ka saaro Dhuusamareeb, islamarkaana uu mas'uuliyadda amniga ku wareejiyo kuwa maamulkiisa.

Shirka Dhuusamareeb ayaa lagu go'aamiyay qabashadiisa kulan khadka Internet-ka ay 6dii bishaan ku yeesheen Madaxda maamullada, maalin kadib markii uu fashilmay kulankii ka dhici lahaa Muqdisho, ee uu Farmaajo ku dhawaaqay bishii lasoo dhaafay inuu martigelinayo.

Madaxda maamullada ayaa lagu wadaa inay kawada hadlaan arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin qodobada khilaafka ka taagan ee doorashadda dalka iyo dastuurka dhameystirkiisa, kaasoo muhiim u ah xalinta mushkiladda siyaasadeed ee wadanka.

Maamullada iyo Xisbiyada siyaasadeed ayaa kasoo horjeestay warbixintii Xaliima Yareey ee dib u dhigida doorashadda, taasoo lagu micneeyay mudo korarsi ay damacsan yihiin madaxda haatan talada haysa, oo shan bilood u hartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM