Bangiga Dhexe oo shaaciyey lacago ay "lunsadeen" shirkadaha Forex

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muwaadiniin "lagu khimaamay" maalgashiga shirkadaha Sarrifka Lacagaha Qalaad ayaa laga lunsadey ku dhawaad 200 milyan oo Doolar, sidda uu shaaciyey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka, shirkadaha "dhacay" lacagtaas oo qaarkood la magacaabay ayaa gaaraya tobban, wadar ahaan.

Qaran iyo Hubaal waa magacyadda lagu carabaabay bayaanka Bangiga Dhexe oo ay baahisay Wakaalada Wararka Qaranka ee SONNA.

Dhamaan shirkadaha, sidda ku cad warka qoraalka, waxay adeegsanayeen hal nidaam, taas oo sahashay in dadka aysan fahmin.

Nidaamka waa "Faa’idada maalgashadayaasha ugu horreeya ka imanayso la siiyo lacagaha laga qaado maalgashadayaasha dambe, marka la waayo macaamiil cusubna uu qof walba ogaado in la khiyaamay".

"Horjoogayaasha kooxahan [shirkadaha] ayaa intooda badan dalka ka baxsaday, iyaga oo farriimo ay soo dhigeen baraha bulshada ku shaaciyay inay khasaareen," sidaas waxaa baahisay warbaahinta dowladda.

Bangiga Dhexe ayaa horey u mamnuucay Forex, balse talaabadaas kama aysan dhaqan-gelin Muqdisho iskabadaa gobolada qaar. Puntland iyo Somaliland waxay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen.

"Dhanka kale waxaa jira kooxo howshoodii soo afjarantay, balse aan wali shaacin inay suuqa ka baxeen oo isku dayaya inay sii wadaan khiyaamadan iyaga maalgashadayaashii hore dejinaya una sheegay inay waqti dheeraad ah u baahan yihiin si ay faa’ido u bixiyaa, balse baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay inaysan jirin lacag ay bixinyaan balse ay qorsheynayaan sidii ay dalka uga bixi lahaayeen," ayuu raaciyey Bangiga Dhexe.

Laamaha amniga dowladda federaalka ayuu hoosta ka xariiqay "in ay sheeda sarre ka eegayaan horjoogayaasha kooxahan si aysan dalka uga baxsan".

Hadalka Bangiga Dhexe ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay ay qaar kamid ah waddooyinka magaaladda Muqdisho ka dhaceen banaanbaxyo ay lacagtooda ku dalbanayaan dad maalgashtay shirkado Forex ah.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM