Bangiyadda Ganacsiga ee Soomaaliya oo amar la dul-dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku amray Bangiyadda Ganacsiga ee howlgala gudaha waddanka in ay xiraan Akoonada Shirkadaha Forex Trading.

Amarkan deg-deg ah ayaa lagu bixiyey qoraal ku taariikheysan 23-ka December, 2019, kasoo baxay xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga, Maryam Cabdullaahi Yuusuf.

Warsidaha Garowe Online ayaa wuxuu kamid ah xarumaha warbaahinta ee arkay warqadda una xaqiijiyeen dhinacyadda.

Bangiga Dhexe ayaa, sidda ku xusan qoraalka,  faray dhamaan Bangiyadda Ganacsiga in ay sidda ugu shaqsiyaha ku hirgeliyaan go'aankan.

"Sidoo kale, waa inaad soo gudbisaa warbixin lifaaq ah oo sheegeysa xisaabaadka u furan [Shirkadaha Forex Trading] iyo cadadka lacagaha ku jira," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Go'aankan ayaa imaanaya iyaddoo muddooyinkii u dambeeyay ay jireen sheegashooyin ku saabsan qaabka ay ku shaqeeyaan Shirkadaha Forex Trading ay "ribo" tahay.

Hase ahaatee, mas'uuliyiinta Forex Trading oo ka jawaabay eedeymaha ayaa gaashaanka u daruuray hadaladaas, waxayna ku qeexeen kuwa lagu sumcad dilayo "hal-abuurkooda"

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM