Bangiyadda Ganacsiga ee Soomaaliya oo amar la dul-dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku amray Bangiyadda Ganacsiga ee howlgala gudaha waddanka in ay xiraan Akoonada Shirkadaha Forex Trading.

Amarkan deg-deg ah ayaa lagu bixiyey qoraal ku taariikheysan 23-ka December, 2019, kasoo baxay xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga, Maryam Cabdullaahi Yuusuf.

Warsidaha Garowe Online ayaa wuxuu kamid ah xarumaha warbaahinta ee arkay warqadda una xaqiijiyeen dhinacyadda.

Bangiga Dhexe ayaa, sidda ku xusan qoraalka,  faray dhamaan Bangiyadda Ganacsiga in ay sidda ugu shaqsiyaha ku hirgeliyaan go'aankan.

"Sidoo kale, waa inaad soo gudbisaa warbixin lifaaq ah oo sheegeysa xisaabaadka u furan [Shirkadaha Forex Trading] iyo cadadka lacagaha ku jira," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Go'aankan ayaa imaanaya iyaddoo muddooyinkii u dambeeyay ay jireen sheegashooyin ku saabsan qaabka ay ku shaqeeyaan Shirkadaha Forex Trading ay "ribo" tahay.

Hase ahaatee, mas'uuliyiinta Forex Trading oo ka jawaabay eedeymaha ayaa gaashaanka u daruuray hadaladaas, waxayna ku qeexeen kuwa lagu sumcad dilayo "hal-abuurkooda"

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM