Bannaan-bax ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Bannaanbax lagu taageerayo Ra'isal wasaaraha cusub ee dalka Somalia, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Dibad-baxan oo ay soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu ka dhacay Daljirka Dahsoon oo ay isugu yimaadeen boqolaal ruux kuwaas oo watay calanka Somalia. 

Waxay taageero u muujinayeen Ra'isal wasaaraha uu doortay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo aqbalay inuu xilkaas qabto. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Jimcaale ayaa dadkii bannaanbaxa dhigayay u sheegay inuu taageersanyahay Xasan Cali Khayre, islamarkaana uu la shaqayn doono.

Goobta waxaa sidoo kale joogay Xildhibaano iyo qaar kamid ah bulshada Rayidka ah, kuwaas oo si wadajir ah usoo dhaweeyay mas'uulka Cusub.

Xasan Cali Khayre oo ku cusub siyaasadda ayay ugu baaqeen inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata baahida shacabka.

Ugu damayn waxay ALLE uga baryeen inuu xilka ku asturo islamarkaana uu noqdo mid la mahadiyo shaqadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM