Baqdin ka jirta Muqdisho iyo Wasiir ka hadlay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray baqdin xoogan, oo laga qabo qaraxyo lamid ah midkii 14-kii Octover ee Isgoyska Zoobe.

Cabsida ayaa korartay markii Mareykanka uu soo saarey Digniino dhanka amniga ah, oo muwaadiniintiisa uga digay inay sii joogaan Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, oo Safaardiisa ku dhex-taallo.

Digniinta Mareykanka ayaa lagu sheegay in Labo Gaari oo kuwa AMISOM ay lahayd, oo Al Shabaab ka qabsadeen lasoo geliyay magaalada, kuwaasoo lala damacsan yahay in lagu weeraro Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Ciidamada Midowga Africa ee Xalane.

AMISOM ayaa mudo saddex maalmood ah xirtay Saldhigeeda Xalane, waxaana laga saarey shaqaalaha aan ciidanka ahayn iyo gaadiidka yaryar, iyadoo feejignaan dheeri ah la geliyay Askarteeda halkaasi ku sugan. Halkan ka akhri.

Xaaladdan baqdinta ah ayaa saameysay Garoonka, oo maalintii ay soo baxday digniinta lagu kala cararay, sida mid kamid ah shaqaalaha ka howlgala uu u sheegay Warsidaha Garowe Online.

Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Duulista Gaadiidka iyo Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] oo maanta shir jaraa'id ku qabtey Garoonka ayaa u sheegay Warbaahinta inaysan jirin wax qal-qal ah oo laga qabo dhanka amaanka.

Wuxuu kaloo tilmaamay in shaqada Garoonka ay caadi ku socoto, oo diyaaradaha shaqeynayaan habeen iyo maalin, isagoo meesha ka saarey wararka la baahiyay ee ah in Garoonka lagu kala cararay oo howshiisa hakad la geliyay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM