Bariise: Leyma eryin, anigaa isu casilay faragelinta lagu hayo ciidanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa wuxuu waxbo kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in uu xilka ka qaaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa baahisay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu eryay Bariise "markii uu garwaaqsaday baahida loo qabo in la tayeeyo isla markaana la qaabeeyo ciidanka"

Bariise ayaa ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed tan iyo bishii October ee sanadkii hore 2019.

Isagoo u waramay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho, Bariise ayaa sheegay in uu is-casilay 18-kii Febraayo ee sanadkan 2020.

Sababta uu shaqadda kaga tegay ayuu ku sheegay "faragelinta siyaasadeed ee lagu hayo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed".

Is-casilaadiisa ayaa timid maalin kahor weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadey xeradda Ceel Saliini, halkaasoo dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaarey dhinacyadda dagaalku dhexmaray.

Isbebedalka hogaanka ciidanka

Mudadii ay jirtay dowlada Farmaajo ciidamada waxaa soo maray hogaan kala duwan, taasoo dadka naqdiya siyaasada xukuumada u arkaan mid "caqabad ku ah tirtirka Al-Shabaab".

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdirashuur Warsame ayaa dhaliilay siyaasadda Nabad iyo Nolol ku wajahan ciidanka.

"Waa markii lixaad uu madaxweynuhu isbaddel ku sameeyo hoggaanka ciidanka. Sax maaha in ciidanka beddelaad joogta ah lagu sameeyo, marna loo hanjabo, marna hawlo farsamo, diiwaan gelin iyo fayl u samayn, xafiisyada madaxda looga dhex faano," ayuu soo qoray.

Wuxuu kusoo xiray: "Ciidanku wuxuu u baahanyahay in la dhiirrigeliyo, loo muujiyo hoggaan, lagu booqdo farumaha dagaalka, laga warqabo qoysaskooda, loo diro aqoon kororsi, laguna abaalmariyo naf huristooda"

Ciidamadda Soomaaliya ayaa kaalmaha hoose kaga jira marka laga hadlo qiimeynta awoodaha askarta caalamka, waxaana "ugu wacan musuqmaasuq iyo tababar ku filan oo aysan qaadan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM