​Barlamanka Cusub oo kulan uga furmay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Labada Aqalka Barlamanka cusub ee Somalia ayaa maanta Kulankoodii ugu horeeyay uga furmay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdishu.

Shirkoodan ayaa mudanayaashu uga doodi doonaan qodobo ay kamid tahay; Doorashada Gudoonka Labada Aqal iyo waqtiga la qaban lahaa, waxaana lagu wadaa inay magacaabaan maanta Gudiyo arrimahaasi kasoo shaqeeya.

Kulankan oo ay daadihinayaan Gudoonka KMG ah, ayaa la filayaa in laga soo saaro Jadwal cusub, oo ku aadan Doorashada Afhayeenada Aqalka hoose iyo sare ee Baarlamaanka oo lagu wado inay dhacdo 5-ta January.

Ammaanka dhisamaha Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ilaalanaya wadooyinka soo gala ciidamada dowladda Somalia kuwa Midoga Africa ee AMISOM.

Waa Kulankii ugu horeeyay oo Xildhibaanada cusub ay ku yeeshaan magaalada Muqdishu tan iyo markii la dhaariyay Talaadadii lasoo dhaafay, iyadoo beesha caalamka ku baaqayso in la dedejiyo dhismaha dowladda cusub ka hor furitaanka shirka Qaramada Midoobay 19 January, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM