Barlamanka Somalia oo ansixiyay Sharciga loo marayo buuxinta kursigii bannaanaada

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa maanta la horgeeyay qorshaha eegista Doorashada sanadka 2020, kaasi oo uu soo diyaariyay guddoonka Gollaha shacabka.

Warqada hindisaha cusub, ayaa la filayaa in loo gudbiyo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Somalia, kadib markii ay Xildhibaanada ansixiyaan.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 144 Xildhibaanada ayaa sidooo kale lagu ansixiyay sharciga loo marayo ka banaanaada Barlamanka inta lagu guda jiro Mudada Xil heyntiisa.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu isku raacay in kursaata banaan ee Baarlamaanka loo soo xulo qaabkii awalba lagu soo doortay.

Kuraasta bannaan waa labo xubnood  oo kala ah; Boosaskii Xildhibaan Cabdulaahi Sanbololshe oo noqday Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo kursi uu baneeyay xildhibaan geeriyooday.

Inta ay socotay cod-qaadista, 128 Xildhibaan ayaa ogolaaday in sharcigan uu meel maro, 16 Xildhibaan ayaa diiday, sida uu ku dhawaaqayo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shir-gudoomiyay kulanka, waxaana uu sheegay in Xildhibaanada sidoo kale isku raaceen in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ay garwadeen ka noqon  doonaan Doorashada Kursigii banaanaada.

Mudane Jawaari ayaa tilmaamay in Maxkamada Sare ee Dalka ay go’aan ka gaareysa hadii uu muran ka dhasho Kursi la dooranayo, waxaana meesha laga saaray Guddigii Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM