Barlamanka Somalia oo codsaday in lagu dhakhsado soo magacaabista Wasiirrada

Image

MUQDISHU, Somalia- Barlamanka Federaalka Somalia ayaa ugu baaqay Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre inuu kusoo dhaqsado magacaabista Golaha Wasiirrada, oo waqtigii loo qabtay uu ka haray 11 maalmood.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ku xigeenka labaad ee Gudoomiyaha golaha shacabka, ayaa sheegay in Xildhibaanada ay aadi lahaayeen Deegaanadooda, si shacabkooda ula qeybsadaan dhibaatada abaarta.

"Xildhibaanada waxay u aadi lahaayeen Deegaanadooda, oo shacabkooda ayay la qeybsan lahaayeen Duruufaha abaarta, waxay u joogaan inay ansixiyaan Golaha Wasiirada, marka waxaan ka codsanaynaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha inay soo dedejiyaan magacaabistooda," Ayuu yiri Mahad Cabdalla.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia in Gurmadka Abaaraha dowladda ee ku wajahan Deegaanada dalka, kala tashato Xildhibaanada laga soo doortay, laguna wargeliyo howlkasta oo laga qabanayo.

Hadalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa imaanaya, xilli Villa Somalia ka socdaan Kulamo iyo Wadatashiyo uu wado Ra'iisul Wasaare Kheyre, oo ku aadan magacaabista Golahiisa Wasiirrada oo mudo kooban u hartay.

30-ka Maarso, Ra'iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa laga sugayaa inuu Golaha Shacabka horgeeyo Golahiisa xukuumadda iyo Barnaamijka ay ku shaqeyn doonto.

Dhanka kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa shalay meel-mariyay Hindisaha Gurmadka Abaaraha dalka, kaasi oo la doonayo inay xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo ku shaqeyso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM