Baydhabo oo martigelinaysa shirka madaxda Soomaalida

Image
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli hogaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ku jiro go'doon siyaasadeed.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Shirka Madaxda madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, sida GO u shegeeen ilo xog-ogaal ah.

Wararka laga helayo illo wareedyo madax-banaan ayaa waxay intaas kusii darayaan sheegaya in shirkaan la filayo in bisha soo socota ee March la qabto.

Lama ogga in Madaxweynaha Puntland ka soo qayb galayo kulankaas. Dani ayaa sheegay inuu xiriirka u jarey dowlada Federaalka, talabadaas oo ay Villa Soomaaliya aysan ka jawaabin.

Dani ayaa maalmo kadib markii xafiiskiisu soo saarey qoraal dheer kaas oo uu ku sheegey in Puntland si madax banaan u dhaqmeyso magacaabey guddi farabadan kuwaas oo uu ku sheegay in wadahadal la galayaan dowlada Federaalka ah. Si lamid ah Villa Soomaaliya wax macno Leh kama soo qaadin guddigaas la magacaabey.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa hoos-u-dhigey xiriirka dhowaanahan uu la laha Madaxweynaha go’doonka ah ee Puntland.

Laftagareen oo haysta muddo sideed bilood uu ku qabto doorasho daahfuran ayaa iska xaliyey khilaafkii isaga iyo mucaaradka kaas oo qayb weyn uu ka qaatey Madaxweynaha dowlada Fedraalka ah Xasan Sheekh Maxamuud. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM