Baydhabo: Shirka Guddiga farsamada doorashada bilowday

Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Guddiga farsamadda xalinta khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ayaa Isiinta maanta ah waxay ka dageen caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Shirka guddigan ka kooban 14-ka xubnood oo si rasmi ah uga bilowday xarunta gobolka Baay ayaa diiradda lagu saarayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku geedaaman coddeynta heer federaal.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maamulada shanta ee xubinta ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa min laba xubnood ku leh guddigan oo warbixin kusoo celin doona hogaamiyeyaasha maamuladda.

Ma cadda mudada rasmi ahaan uu qaadan doono shirka guddiga farsamadda. Balse, waxaa la filayaa in shirarkooda ay noqon doonan kuwa ku kooban todobaadkan isla markaana xal kama dambeys keena.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in wakiiladda Beesha Caalamka ay dusha sarre kala socon doonan wadahadaladda guddiga farsamadda ayaga oo faragelinaya xilli kasta oo is-mari-waayaan.

Diblumaasiyiinta ayaa shirarkan lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka u bedelay heer guddiyo farsamo ka gedaal markii madaxda sarre ay is-faham buuxa ay gaari waayeen.

Qodobadda lagu waddo in ay ku jeex-jeexaan shirarkooda waxay kala yihiinl qadiyada gobolka Gedo, xulista wakiilada maamulka Somaliland, iyo guddiyadda maamula doorashooyinka labada heer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM