​BAYDHABO: Watiin oo isku day dil ka bad-baaday

Image

BAYDHABO, Somalia- Gudoomiyaha maamulka degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa si dirqi ah ug bad-baaday isku-day dil, kadib markii Gaari uu watay Qarax miino lagula eegtay duleedka magaalada Baydhabo.

Gaari Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu weeraray inta u dhaxayso deegaanka Awdiinle iyo magaalada Baydhabo, waxaana Al Shabaab ay sheegtay in weerarkaasi oo qarax ahaa ay ku dhmatay 5 Askari oo ilaaladiisa kamid ahaa.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta magaalada Baydhabo, ayaa tilmaamay in uu ka badbaaday qaraxa, balse qaar katirsan askartii la socotay ay ku dhaawacmeen, waxaana uu beeniyay in uuu jiro khasaaro dhimasho ah.

"Anigaa kasoo tagay Deynuunay, kuna soo jeedo Baydhobo, ayaa waxaa Qarax la igula eegtay meel ku dhaw deegaanka Awdiinle, waan ka badbaaday isku0daygaasi la doonayay in la igu dilo," Ayuu yiri Gudoomiye Cabdullaahi Cali Watiin.

Watiin, ayaa xusay in miinada ay qaraxday markii uu gudbay baabuurkiisa, balse Gaari ciidankiisa ay saarnaayeen weerarku la kulmay kadibna ay ku dhaawacmeen saddex askari.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah, oo isagu jiro Dagaal Toos ah iyo mid qaraxyada dhulka lagu aasay isugu jira la beegsata Baabuurta Mas'uuliyiitinta degmadooyinka iyo ciidanka gobolka Baay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM