Bayle: Anigu waxaan ka hadlay kaliya Jaadka Hereriga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ka noqdey hadal kasoo yeeray shalay kaasoo uu ku fasaxay Jaadka ka yimaadda dalka Kenya.

Bayle oo Talaadada maanta ah muuqaal soo duubay ayaa xusay in kaliya uu hadlay Jaadka Hereriga ee ka yimaadda waddanka Itoobiya isla markaana warkii shalay uu ka dhawaajiyey "si khaldan loo turjumay".

"Hadalkeyga wuxuu daba socdaa kii shalay. Waxaan ka hadlay oo aan doonayaa in aan caddeeyo Qaadka Hereriga ee dadka qaarkood ay sheegeen in uu dad gaara u xiran yahay. Hadii si khaldan loo fahmay arrintu Qaadka Hereriga kaliya ayay ku saabsan tahay," ayuu ku yiri fariinta muuqaalka oo ahayd hal daqiiqo.

Wasiirka ayaan soo hadal-qaadin Jaadka Miiraha ee Kenya iyo sababta dhabta ah ee dowladda aysan wali xayiraadda uga qaadin.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo hagaagay xilli muddooyinkii u dambeeyay ay taagneyd cabasho ka imaaneysay ganacsatadda Soomaalida ee Jaadka.

Ganacsatadda oo kasoo muuqdey muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa sheegay in dowladda federaalka ay is-hortaagtay in ay Qaadka kala yimaadaan Kenya ayna dad gaar ah u xirtay Jaadka Itoobiya.

Bishii March 16-keeda sanadkii 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in ay dalka ka mamnuucdey Jaadka sababo ku aadan Covid-19.

Markii ay qaadey xayiraadihii ay Jaadka lasoo rogtay sidda duulimaadyadda caalamiga ah, dowladda Farmaajo ayaa bilowdey in ay dagaal siyaasadeed ku gasho xayiraada Jaadka si ay Kenya uga hesho danaheeda gaarka ah.

Talaabadaas ayaa dhabaha u xaartey xiisad diblumaasiyadeed iyo cabashooyin ka yimid ganacsatada Jaadka kuwaas oo ku qaylo-dhaamiyey in lasoo gabagabeeyo mamnuucida maadaama uu furnaa Jaadka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM