Bayle oo sharaxay hakinta mashruuca 4 magaalo ee Bangiga Aduunka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah sharaxaad ka bixiyey joojinta mashruuca afarta magaalo ee shalay lagu saxiixay caasimada Muqdisho.

Mashruucaan oo uu maalgelinayo Bangiga Aduunka loona qoondeeyay 112 milyan oo Doolar ayaa qorshuhu ahaa in laga fuliyo Muqdisho, Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyey in la hakiyo fulinta mashruuca "kadib cabasho xoogan oo laga muujiyey".

Wallow la sheegay in ay jiraan arrimo kale oo dib loogu dhigay, wararka ayaa sheegaya in Galmudug iyo HirShabelle ay kamid yihiin dhinacyada tabashadda keenay.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka lacagta xukuumada federaalka ah, ayaa xusay in joojinta ay ahayd "mid lawada ogol-yahay".

"Mashruuca waa mid weyn oo laga fulinayo Muqdisho iyo maamulada, waxaa go’aan lagu gaaray in loo kaadiyo kadibna la isugu yeero dowlad goboleedyada iyo Bangiga Aduunka," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiir Bayle ayaa tibaaxay "waxaan u sheegaynaa shacabka in mashruuca dib loogu noqonaayo oo la isla eegayo lana hubin doono in cid walba laga qeyb-geliyo".

Mashruuca, oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya kaasoo la tilmaamay in uu heer dhamaad ah marayo, ayaa lagu horumarinayaa magaalooyinka wadanka iyo dowladaha hoose.

MUUQAALKA BAYLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM