Beesha Caalamka oo baaq cusub u dirtey hogaanka Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxay ku baaqeen in laga wada-shaqeeyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa is-fahamkaas.

"Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juunyo, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad-goboleedyada doodihii wax dhisayey ee ay yeesheen," ayay tibaaxeen.

War-saxaafadeedka ayaa ku daray: "Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirkii lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, waxa uu muhiim u yahay horumarrada laga sameynayo doorashooyinka".

"Waxaan la soconnaa in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiimka ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda taageerada farsamada doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu soo biiriyo wakiillada dowlad-gobolleedyada," ayay caddeeyeen.

Diblumaasiyiinta ayaa xusay "Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala-bar looga dhimay kharashka is-diiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30-ka ah ee haweenka ee lagu hashiiyey".

"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulaya doorashada, inay hore ugu sii socdaan ka-soo-dhalaalidda mas’uuliyadaha iyo ballamaha la galay iyada oo aan dib loo dhigin," ayay qireen.

Daneeyeyaasha ayaa caddeeyay "Waxaan ku dhiirigalineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay si joogta ah oo wax dhisaya u yeeshaan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn inta lagu guda-jiro geeddi-socodka doorashada si loo xalliyo arrimo walba oo soo baxa".

"Waxaan ku kalsoonnahay in habraac deg deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka taageeri doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada," ayay hoosta ka xariiqeen.

Bayaanka oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay: "Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan dadaalladaas".

Jadwalka cusub ee doorashooyinka ayaa xeerinaya in coddeynta ay ku qabsoonto muddo 92-casho gudahooda ah iyadda oo madaxweynaha 10aad ee dalka loo madalsan yahay in la doorto taariikhdu markay tahay 10-ka October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 05:45PM

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM