Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartey colaada Guriceel

Image
Diblumaasiyiinta ayaa ka digay in iska-hor-imaadyadan ay saameeyaan doorashooyinka heer federaal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay walwal xoogan ka muujisey colaadda kasoo cusboonaatay magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka, diblumaasiyiinta ayaa rumeysan in dagaaladan ay curyaamin karaan geedi-socodka dowladnimada Soomaaliya iyo doorashooyinka soo aadan.

Bayaankan uu nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, daneeyeyaasha caalamiga ah ayaa ku baaqay in muhiim ay tahay in la joojiyo iska-hor-imaadyadda.

"Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan".

Tirada dadkii ku dhintay dagaalka Guriceel oo gaartay 120 iyo xaaladda oo Maanta degan. Ahlu Sunna ayaa ku sugan dhanka Waqooyi halka inta kale ay joogaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ahlu Sunna oo laba sano dibad-joog ka ahayd siyaasadda Galmudug ayaa dhowaan kusoo laabatay degaanka. Wararku waxay xusayaan in ay isku dayayaan saameyn ballaaran oo ay ku yeeshaan doorashada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM