Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartey guddiyadda la duray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo war-saxaafadeedka soo saartey ayaa caddeysay mowqifkeeda is-qabqabsiga ka taagan guddiyadda doorashooyinka 2020-21 iyo coddeyntii Villa Soomaaliya faragelisay ee ka dhacdey HirShabelle.

War-saxaafadeed kasoo baxay diblumaasiyinita kaasoo lagu daabacay bogga internet-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu xusay in ay si dhow ula socdeen coddeynta HirShabelle.

"Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya (eeg liistada hoose) waxay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka iyo u diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweynaha Hirshabelle ee dhowaan la doortay Cali Guudlaawe kala shaqeyno horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beeelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo wax ka qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh Hirshabelle".

Doorashadda HirShabelle oo ay kusoo wada baxeen murashaxiintii ay wadatay Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in dowlada waqtiga kasii dhacayo ay ku fulineyso qorshaheeda soo laabashada madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey ahmiyadda ay leedahay in wadda-ogol looga gudbo is-mari-waaga ka taagan xubnaha kamid noqonaya guddiyadda doorashooyinka madaxa-banaan.

"Arrimaha ku saabsan codeynta/doorashada 2020/21 ee heer federaal, waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho. Waxaan dhiirigalinaynaa wadahadal waara oo ku jaan-go’an habka-shaqo ee u degsan Golaha Wadatashiga Qaranka, wadahadalkaas oo lala yeesho saamilayda kale ee muhiimka ah si geedi-socodka doorashada loogusii ilaaliyo tubtiisa, uuna u noqdo mid loo wada dhanyahay," ayaa lagu xusay.

Bayaanka ayaa ku daray: "Waxaan si gaar ah u sii adkeynaynaa in xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, iyo xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo iyo [xal u helidda] kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland, ay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda DFS iyo DGXF, guddiyada maamulka doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in ugu yaraan boqolkiiba 30 Xildhibaanada iyo Senetarada ka imaanaya beel kasta ay yihiin haween isla markaana doorashadu ku dhacdo waqtigeeda".

"Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqayno dhamaan saamilayda Soomaaliyeed si aan ugu doodno hirgelin hufan oo la hirgeliyo doorasho federal ah oo nabdoon, lagu kalsoonyahay oo ay hogaankeeda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan wadar-oggol iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka" ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Murashaxiinta iyo xisbiyadda mucaaradka ayaa shaaca ka dhigay in dowladda ay xubnaha guddiyadda qaar ka dhigtay saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladee, waxayna ku goodiyeen in ay qaadici doonan doorashadda hadii aan laga saarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM