Beesha Caalamka oo baaq u dirtay madaxda ku kulansan Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya oo war-saxaafadeed kasoo saarey shirka Muqdisho ayaa madaxda kulansan ku booriyey in ay ka shaqeeyaan miradhalka wadahadaladda.

Kulankan khuseeya doorashada soo aadan ayaa u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo, hogaanka shanta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaala madaxda, Cumar Filish.

Sidda laga soo xigtay bayaanka Beesha Caalamka, hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ee shirsan waa in natiijada soo saarayaan ay waddanka ku hageysaa hanaanka dimuqraadiga ah.

"Saaxiibada Caalamka waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka (DGXF)," ayay sheegeen.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Saaxiibada [daneeya arrimaha Soomaaliya] waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho".

"Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo," ayay qoreen.

Waxay ku dareen: "Saaxiibadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba".

"Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Wadaxaajoodyadda Muqdisho ayaa waxaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay ee madaxda Soomaaliya waddanka uga saari karaan hubanti la'aanta ku geedaaman nooca doorashooyinka qaranka ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM