Beesha Caalamka oo bogaadisay is-afgaradkii Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa si weyn waxay soo dhaweeyeen is-afgaradkii madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ku dhexmaray Nairobi, caasimadda Kenya.

Is-afgaradka oo "talaabo muhiim ah u ah xoojinta xiriirka labadda dal" ayaa wuxuu meesha ka saarey madmadow soo galay.

Madmadowga ayaa waxaa u yeelay kiiska badda ee horyaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ka dhaxeeya.

"Waxaan bogaadineynaa dedaalada shaqsiga ah ee labada madaxweyne ku horumarinayaan xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay daneeyayaasha.

Gal-dacwadeedka badda oo la dhageysan doono bisha June ee 2020-ka ayaa ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala xuduud badeeda labada dal halkaas oo hodan ku ah Gaas iyo Shidaal.

"Xiriirka wada faa'iideysiga Soomaaliya iyo deriskeeda waxaan aragnaa in uu ka qeyb-qaadanayo horumarka, barwaaqada dadka, uuna saameyn fiican ku yeelanaya amniga iyo horumarka gobolka".

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Farmaajo u sheegay Uhuru in kiiska badda uusan saameyn cilaaqaadka. Halka, Madaxtooyadda Kenya shaacisay in madaxweynuhu "ogolaaday wada hadal lagu xaliyo qaddiyadda".

"Waxaan eegaynaa fulinta tallaabooyin ay ku heshiiyeen Madaxweyneyaasha kuwaas oo sii qoto dheereynaya xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya," ayaa lagu soo xiray war-saxaafadeedka.

Gal-dacwadeedka badda oo taagan bishii August ee iyo 2014-kii ayaa waxaa xiisadiisu xoogeystay bishii Maaj ee sanadkan, xilligaas oo Nairobi ku doodey in Soomaaliya shidaal xaraasheyso balse ay beenisay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM