Beesha Caalamka oo cadaadis ku bilowdey madaxda Soomaalida

Image
Image
Image
James Swan ayaa maanta la kulmay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo guddiga doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, dhinacyada ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka.

"Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka lagu faafiyey internet-ka.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS".

Beesha Caalamka oo asbuucii hore walwal badan ka muujisay dib-u-dhaca doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku baaqdey in deg-deg loo dhaqan-geliyo heshiisyadda 17-kii September iyo 27-dii May, 2021-ka.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida gaar ahaan madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayay ku tartarsiiyeen in ay fuliyaan heshiisyadaas.

"Ku guuleysiga qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka waxa ay sidoo kale keeni kartaa in Soomaaliya ay ka gasho heer sare qiimeynta dalalka ay ku badan yihiin dadka Muslimka ah, iyo matalaad sare oo haweenku ku yeeshaan hay’adohooda Qaran ee sharci -dejinta," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska UN-ka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka Rooble iyo Swan ayaa la sheegay in uu bilow u yahay cadaadis ay Beesha Caalamka saareyso madaxda Soomaalida si doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan dib-u-dhac kalana u imaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM