Beesha Caalamka oo kordhisay cadaadiska Rooble iyo Farmaajo

Image
Diblumaasiyiinta fadhigoodu yahay Xalane ayaa mar kale waxay baaq kasoo saareen is-haynta labada mas'uul.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo Sabtida maantaa h qoraal soo saartey ayaa cod dheer waxay ku dalbatay in xal waara loo helo khilaafka daba-dheeraadey ee doorashooyinka Soomaaliya.

"Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021," ayaa lagu yiri bayaanka..

Sida ku xusan war-saxaafadeedka, saaxiibbadu "waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah".

"Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka," ayay ku dareen.

Diblumaasiyiinta ayaa ku tartarsiiyey Farmaajo iyo Rooble "inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada".

"Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay'adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada," ayay kusoo xireen.

Dhawaqa Beesha Caalamka ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan ay natiijo la'aan kusoo dhamaadeen dedaaladii lagu qaboojinayey xiisada Farmaajo iyo Rooble wallow ay wali jiraan dedaalo la isugu soo dhaweynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM