Beesha Caalamka oo dalab u dirtey madaxda Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli wakiilo ka socdey daneeyeyaasha ay la kulmeen golaha wadatashiga qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa maanta cod dheer waxay uga dalbadeen golaha wadatashiga qaranka in ay dedejiyaan geeddi-socodka doorashadda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in daneeyeyaasha ay adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in coddeynta noqto mid hufan.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli wakiiladda ay ka qeybgaleen maalintii labaad ee shirka golaha wadatashiga qaranka kaasoo xal loogu raadinayo madmadowga ku xeeran doorashada.

"Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay inuu ku biiro saaxiibada caalamiga ah ee maanta Muqdisho kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuuna ku dhiirigeliyay golaha inay dedejiyaan geeddi-socodka doorashada Soomaaliya si loo hormariyo kalsoonida dhammaan shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa al raaciyey: "Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale dhiirigeliyay in la horumariyo habraaca doorashada, oo ay ka mid tahay in la saxo khaladaadka ku jira xeerarka habraacyada iyo in la xaqiijiyo waqtiyo cad oo loogu talagalay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo,".

"Waxayna xuseen in dhameystirkooda uu u oggolaan doono Soomaaliya inay diiradda saarto arrimaha kale ee mudnaanta leh sida amniga iyo horumarka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Doorashadda baarlamaanka iyo madaxtinimada Soomaaliya ayaa dib u dhacdey muddo sanad ah waxaana ugu wacan is-faham-waa ka taagan habraaca iyo daahfurnaanta nidaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM