Beesha caalamka oo ka hadashay shirkii Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Beesha caalamka ayaa soo dhawaysay go'aanadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga hogaamiyaasha Somalia ee shalay lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Muqdishu.

War saxaafadeeda ay si wadajir ah usoo saareen QM, AMISOM, IGAD, Midowga Yurub, Italy, Ethiopia, Sweden, Turkey, UK, USA, ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin Natiijada Shirka Madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Dowladaha taageera arrimaha Somalia, ayaa shirkaas ku tilmaamay mid wax dhisaya islamarkaana dhinaca wanaaga u horseedaya waddanka la daalaa dhacaya dhibaatada colaadeed iyo midda abaarta.

"Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska cusub ee Madaxda Somalia gaareen, gaar ahaan dhisamaha Gudiga amniga qaran ee hormuudka ka noqon doono Madaxweyne Farmaajo, sidii kalena ay hogaamiyaasha maamul goboleedyada xubno ka yihiin," ayuu yiri Michael Keating, Ergayga QM u qaabilsan Somalia.

Michael Keating ayaa xusay in beesha calaamka ay ka go'antahay taageerida dowladda cusub si ay ugu guul-gaarto hiigsigeeda ah inay wax ka qabato abaaraha, amni darrada, musuq-maasuqa iyo khatarta Al shabaab.

War-murtiyeed kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in la isku afgartay sidii waddanka hormarkiisa looga shaqayn lahaa islamarkaana arrimaha dibadda looga dambayn lahaa dowladda dhexe

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM