​Beesha Caalamka oo ka hadashay xaaladda Galmudug

Image

MUQDISHU, Somalia- War-saxaafadeed si wadajir ah ugasoo baxay waddamada daneeya arrimaha Somalia, ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug, gaar ahaa khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne Guuleed iyo golaha Barlamanka.

Qoraalka oo si midaysan u soo saareen dalalka Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden iyo Qaramada Midoobay,  Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, ayay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada iyo Madaxweynaha Galmudug.

Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale ka digtay in maamulkaasi uu galo fowdo siyaasadeed oo horseed ka noqota xaalad amni darro, waxayna ku baaqeen in wixii jira si hoose loo dhammeeyo iyadoo mugdigaasi kawada hadlayaan dhinacyada ay khusayso.

Madaxda Galmudug, ayaa si gooni ah qoraalkaasi loola hadlay iyadoo lagu wargaliyay inay xalka u wajahaan qaab wada hadal ah, waxaana laga digay inay dhacaan falal amniga liddi ku ah.

Sidoo kale Beesha Caalamku, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso howsha gaar ahaan shacabka  iyo Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug inay bilaabaan talaabo kasta oo lagu joojin karo colaad, sidoo kalena looga hortagi karo rabashado.

Baaq kaas lamid ah ayaa beeshu u direen dhammaan bulshada Somaliyeed, waxaana loogu yeeray inay gutaan kaalintooda kaga aadan sidii looga hortagi lahaa xasilooni darro siyaasadeed oo maamulkaasi wajaho.

Hadalka beesha Caalamka, ayaa yimid kadib markii todobaadkan Barlamanka Galmudug sheegeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed, halka isaguna arrintaasi naqdiyey isagoo ku tilmaamay sharci darro, wuxuuna soo rogay xaalad dag ah kadib markii uu malin kadib xilka qaadistiisa soo gaaray magaalada Cadaado.

Madasha waqtigeedu dhammaaday, ayaa sidoo kale kulan dhinaca Taleefonka ah ku yeeshay labadii maalin ee tagay, waxay walaac kaga muujiyeen xaaladdan iyagoo xusay inaan waqtigan dalku xamili karin xasilooni darro siyaasadeed maadama lagu jiro doorashooyin iyo abaaro baahsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM