Beesha Caalamka oo ku baaqday in hanaan wadar-oggol ah lagu soo afjaro xiisada Dastuurka

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qalinka ku duugay cutubyada la meelmariyay ee dastuurka.

Muqdisho, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso ansixinta Cutubyo ka mid ah dastuurka, waxayna bogaadiyeen dadaallada ay dowladdu ku xoojinayso geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka

“Waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.

Warmurityeedkan ayaa imaanaya Saacado ka dib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qalinka ku duugay cutubyada la meelmariyay ee dastuurka.

Tallaabadan ayaa dhaleeceyn xooggan la kulantay markii maamulka Puntland iyo siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda ay qaadaceen go’aankii uu Baarlamaanku qaatay oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM