Beesha Caalamka oo la kala safatay dowlada iyo maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibada caalamka ayaa laba garab u kala jabay, iyaga oo la kala saftay dowlada feeraalka iyo qaar kamida maamuladda kuwaasi oo u muuqda in khilaafkooda uu gaarey meeshii ugu sareysay.

Sidda laga soo xigtay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, "waa wax laga xumaado in beesha caalamka ay kala qayb-qaybsanto, isla markaana ay qayb ka noqoto dhibaatadda haatan taagan".

Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa bixiya taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed oo horseedi kara in wadanka ka adkaado xasilooni daro iyo dagaalka dagalamayaasha Al-Shabaab.

Xeel-dheerayaasha ayaa aaminsan in kala qab-qabsoomida dunida ay dharbaaxo ku noqon karto hiigsiga qaranku leeyahay labada sano ee soo aadan gaar ahaan qabsoomida doorasho qof iyo cod si lamid ah baacsiga argagixisada.

Hadalka kasoo yeeray hogaamiyaha maamulka Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli lagu soo kala tegay shirkii magaaladda Garowe uga socday isbuucii hore madaxda Villa Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadda.

Natiijo la’aanta uu kulankaasi kusoo idlaaday ayaa la fahansan yahay in ay ka dambeysay markii "dowlada federaalka garowsiyo ka bixin wayday eedeymo loo jeedinayo oo ay ugu horeyso farogelinta maamulada qaar".

Si lamia dh fashilka shirkaasi ayaa yimid ka gedaal markii xukuumada ay diiday in dib ugu laabato sharciyada doorashooyinka, bartoolka, hanaanka dib u eegista dastuurka iyo hanaaka loo xalinayo khilaafka Galmudug.

Waa markii ugu horeysay oo shir ay yeeshaan maamul goboleedyadda uu kusoo dhamaado iyada oo aan wax heshiis ah la gaarin tan iyo markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Farmaajo sanadkii 2017-kii.

Bishii September 2018 ayay ahayd markii maamulada qaarkood ay xiriirka u jareen Madaxtooyada, oo intaasi kadib go’aan satay in ay go'doomin dhaqaale geliso maamulada aragti ahaan kasoo horjeeda.

Geesta kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa daboolka ka qaaday in qodobada ajendaha kulanka ku jiray in is-afgarad waaga keenay waxaa kamid ahaa qaabka loo qaybsanayo deeqaha caalamka laga helo.

Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in "marka loo eego hab-dhaqanka madaxda dowlada federaalka uu muujinayo in ay raadinayaa muddo kororsi marka uu xiliga ka dhamaado laba sano kadib".

"Soomaaliya xaaraan bay ka tahay in waqti lagu darso," ayuu ka yiri shir jaraa'id oo uu Sabtidii ku qabtay Madaxtooyada Kismaayo, isaga oo ku daray "Inaga [Jubbaland] doorashadeena hal maalin laguma darayo".

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM