Beesha Caalamka oo looga digay in ay aqoonsato Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C /shakuur oo sidoo kale ah musharax u taagan xilka madaxweynaha kuna jira mucaaradka ayaa beesha caalamka uga digay inay aqoonsadaan Farmaajo, kaasoo waqtigiisu dhacay Isniintii ka dib afar sano oo uu hogaaminayay waddanka.

Madaxweynaha ayaa waqtigiisii dhamaaday Isniinta wuxuuna hadda ku xiran yahay go’aanka baarlamaanka kaas oo laga yaabo in uu si sharci darro ah ugu kordhiyo ama ay ku gacan-seyraan.

Baarlamaanka waqtigiisu wuxuu ku ekaa Diseembar, waxaana hadda taagan dood culus oo ku saabsan sharciyadda ay kusii shaqeyn karaan.

C /raxmaan C /shakuur oo kamid ah xubnaha sidda weyn u dhaliila Farmaajo ayaa shir jaraa'id wuxuu ka sheegay in wakiiladda caalamka looga baahan yahay inay ka waantoobaan sharciyeynta xilliga Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu hadda tibaaxay inuu yahay Madaxweyne hore.

Farmaajo ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in uu aqbalo inuu waqtigiisii dhamaaday, isla markaana uu ixtiraamo sharciga si loo siiyo “xuquuqda madaxweynihii hore". Farmaajo wuxuu hadda u sharaxan-yahay isla markaana uu goobayaa sidii dib loogu dooran lahaa.

"Madaxweyne Farmaajo waqtigiisii xafiiska wuu dhammaaday, qof kasta oo cudurdaar u siiya inuu sii joogo xukunka wuxuu qeyb ahaan mas’uul ka noqonayaa xasillooni daradda dalka iyo burburka, waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha xilka ka sii degaya inuu dhowro dastuurka si looga fogaado in lumiyo xuquuqdiisa madaxweyne hore ahaan," ayuu Warsame ku daray.

Wuxuu ku daray: "Farmaajo wuxuu baarlamaanka u diray Rooble oo waqtigiisu idlaaday, si uu u waydiiyo afar sano waqti kordhin. Si kastaba ha noqotee, xildhibaanada mucaaradka waxay ka hor istaageen talaabadaas".

"Xubnaha Beesha Caalamka ee wali u riyaaqaya Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday waxay la wadaagi doonaan qayb ka mid ah masuuliyada afarta sano ee xasilooni daro ee uu isaga keenay," ayuu caddeeyay.

Hogaamiyeyaashii mucaaradka ee ay hogaaminayeen Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale beesha caalamka uga digay taageerida Farmaajo. Isniintii. Diblumaasiyiinta waxay ugu hambalyeeyeen Farmaajo dadaalka uu ugu jiro wadahadal lagu dhameeyo khilaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM