Beesha Caalamka oo "quus ka taagan" qaddiyadda Soomaaliya

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaca ka qaadey "in beesha caalamka ay quus ka taagan tahay qadiyadda Soomaaliya".

Isagoo Jimcadii wariyeyaasha kula hadlay magaalada dekadda leh ee Boosaaso, Deni ayaa sababta ku sheegay "arrimaha aan wanaagsaneyn oo ay waddo dowladda federaalka".

Wuxuu intaas raaciyey "waxaan ka baqeynaa in qadiyadda Soomaaliyeed dhegaha laga laabto, dadkuna xiiseyn waayaan".

Deeq-bixiyeyaasha ayuu xusay in ay dareemayaan "in dhaqaalihii iyo canshuurihii ay dalalkooda ka keeneyn in god lagu gurayo" maadaama "aanan looga shaqeynayn horumarin".

"Waxaan u baahanahay in arrimaha cakiran aan ka baxno, waxaan u baahan-nahay heshiis adag oo dhab ah, oo cid koox ama qof uusan ku xadgudbi karin," ayuu xusay.

Goleyaasha kala duwan ee federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay meelmariyeen shuruuc masiiri ah, iyagoo aanan ka talagelin maamul goboleedyadda, taasoo xoojisay khilaaf jiray.

Xeerarka muranka ka taagan yahay waxaa kamid ah doorashooyinka iyo batroolka oo horyaala Aqalka Sare iyo xafiiska madaxweynaha.

Dowlada Farmaajo ayaa la sheegay in tan iyo markii ay xafiiska timid ay xooga saartay sidii ay u burburin lahayd nidaamka federaalka isla markaana ula dagaalami lahayd maamulada.

Deni oo dhowaan safar shaqo ku tegay Kenya ayaa la kulmay wakiilada Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka 2020-21.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM